Skip to main content
Kabasho

Kabasho

By Hamda Hussein

Kabasho waa taxane dhaymo-nafeed ah oo ay Hamda Hussein ku rajaynayso in uu fudayd iyo raysasho u horseedo cid kasta oo wehel ka dhigata ✨🌸
Currently playing episode

Ep:29; Dareen-Habaabin |Emotional Manipulation

KabashoAug 27, 2022

00:00
37:03
Episode 46: Cuqdadda Hoosaynta Q:2aad;Inferiority Complex| Kabasho|

Episode 46: Cuqdadda Hoosaynta Q:2aad;Inferiority Complex| Kabasho|

Waa Qaybtii 2aad ee Cuqdadda Hoosaynta.


Dhagaysi wanaagsan .

May 25, 202337:50
Ep:45; Cuqdadda Hoosaynta |Inferior Complex

Ep:45; Cuqdadda Hoosaynta |Inferior Complex

Cuqadadda Hoosayntu 'Inferiority Complex' waa maxay ayaynu xilqaddan isku waydiinaynaa . Dhagaysi wanaagsan

May 04, 202337:01
Ep:44; Darroor Dareemeed |Emotional Leakage

Ep:44; Darroor Dareemeed |Emotional Leakage

Bani'aadamku ma darroori karaa dareen ahaan? Xilqaddan ayaynu kaga jawaabaynaa su'aashan.


Dhagaysi iyo Dhaqan gelin wanaagsan

Mar 01, 202330:50
Ep:43; Naf Ka Shakiyid |Self-Doubt

Ep:43; Naf Ka Shakiyid |Self-Doubt

Weli awoodahaaga qofeed , wax qabadkaaga iyo ahaanshiyahaaga maka shakiday? ma iswaydiisay weli waxaad isaga shakido?   Xilqaddan ayaynu isku waydiinaynaa shakiga, waxa keena iyo sida looga bixi karo.  


Dhagaysi iyo dhaqan gelin wanaagsan

Feb 20, 202338:21
Ep:42; Qunyar Noolaanshiyo |Slow Living

Ep:42; Qunyar Noolaanshiyo |Slow Living

Weli ma maqashay mabda'a 'Qunyar Noolaanshiyaha' , ma noolaan kartaa qunyar iyada oo aanay jirin wax ku dedejinayaa? Xilqaddan ayaynu isku waydiinaynaa waxa uu yahay Qunyar-Noolaanshiyuhu.


Dhagaysi iyo dhaqan-gelin wanaagsan

Feb 15, 202328:44
Ep:41; Dad-Raalli Gelin |People Pleasing

Ep:41; Dad-Raalli Gelin |People Pleasing

Weli ma Is waydiisay dhaqanka dad iska gadista/dhaadhicintu meesha uu kasoo raaco dadka, sifaha ay yeeshaan dadka lihi iyo sida loge gudbi karo?  Xilqaddan ayaad ku baranaysaa bi'dniLaah.   


Dhagaysi Iyo Dhaqan Gelin Wanaagsan.

Jan 23, 202343:43
Ep:40; Naf-Saamixid |Self-forgiveness

Ep:40; Naf-Saamixid |Self-forgiveness

Weligaa ma doontay inaad naftaada saamaxdid? ma iswaydiisay halkee ayaan ka bilaabaa? xilqaddani waxay kaaga jawaabaysaa su'aalo laga yaabo inaad jawaab u la'ayd.   Dhagaysi iyo Dhaqan-gelin wanaagsan.

Jan 07, 202333:18
Ep:39; Dhiig-bax Dareen |Emotional Bleeding

Ep:39; Dhiig-bax Dareen |Emotional Bleeding

Weligaa ma maqashay qofbaa dareen ahaan u dhiig-baxay? xilqaddan ayaynu isku waydiinayaa waxa uu yahay dhiig-baxa dareen.  


Dhagaysi wanaagsan.

Dec 27, 202232:44
Ep:38; Cabsida Geerida |Thanatophobia

Ep:38; Cabsida Geerida |Thanatophobia

Sidee ayaan uga bixi karaa cabsida daran ee geerida ayaynu kaga jawaabaynaa xilqaddan.   


Dhagaysi iyo dhaqan gelin wanaagsan.

Dec 22, 202240:50
Ep:37; La dhaqmidda hubanti la'aanta |Dealing With Uncertainty

Ep:37; La dhaqmidda hubanti la'aanta |Dealing With Uncertainty

Tabo iyo xeelado kaa caawin kara la dhaqanka hubanti la'aanta ayaad xilqaddan ka faa'iidaysaa bi'dniLaah.   


Dhagaysi wanaagsan.

Dec 09, 202231:24
Ep:36; Fikradaha Taban |Intrusive Thoughts

Ep:36; Fikradaha Taban |Intrusive Thoughts

Fikradaha maanka kusoo dhaca kuwooda khalalka qofka geliya ayaynu kaga hadlaynaa xilqaddan.   


Dhagaysi wanaagsan.

Nov 12, 202235:45
Ep:35; Ka kabashada Dhibta Waalidka Is-xambaarsanaha Ah | Healing from Parental Narcissistic Abuse

Ep:35; Ka kabashada Dhibta Waalidka Is-xambaarsanaha Ah | Healing from Parental Narcissistic Abuse

Waalidkaygu haddii uu Is-xambaarsane yahay maxaan ka yeelaa? Su'aashan ayaynu xilqaddan kaga jawaabaynaa. 


Dhagaysi wanaagsan. 

Nov 04, 202240:20
Ep:34; Ka kabashada Dhibta Is-xambaarsanaha | Healing from Narcissistic Abuse

Ep:34; Ka kabashada Dhibta Is-xambaarsanaha | Healing from Narcissistic Abuse

Tallaabooyinka ka kabashada dhibta Is-xambaarsanaha ayaynu xilqaddan ku qaadaa-dhigaynaa. 


Dhagaysi iyo dhaqan-gelin wanaagsan. 

Oct 29, 202243:05
Ep:33; Is-xambaarsanaanta Iyo Waalidnimada | ;Parental Narcissism

Ep:33; Is-xambaarsanaanta Iyo Waalidnimada | ;Parental Narcissism

Waalidku Isxambaarsane ma noqon karaa ayaynu kaga jawaabaynaa Xilqaddan.   


Dhagaysi wanaagsan.

Oct 22, 202228:48
Ep:32; Xeeladaha Is-xambaarsanaha |Narcissistic Tactics

Ep:32; Xeeladaha Is-xambaarsanaha |Narcissistic Tactics

Wax ka baro xeeladaha dadka Is-xambaarsanaayaasha ah.   


Dhagaysi wanaagsan.

Oct 14, 202237:18
Ep:31; Narcissism In relationships |Is-xambaarsanaanta Iyo Xidhiidhada |

Ep:31; Narcissism In relationships |Is-xambaarsanaanta Iyo Xidhiidhada |

Sidee ayay u dhaqmaan is-xambaarsanayaashu xilliyada ay xidhiidhada ku jiraan? Su'aashan ayaynu kaga jawaabaynaa xilqaddan. 


Dhagaysi Wanaagsan. 

Oct 14, 202216:34
Ep:30; Is-xambaarsanaan |Narcissism

Ep:30; Is-xambaarsanaan |Narcissism

Weli ma iswaydiisay Is-xambaarsanaanta |Narcissism-ku waxa uu yahay? xilqaddan ayaynu kaga jawaabaynaa su'aashaas misana ku baranaynaa shakhsiyidda noocaas ah calaamadaheeda iyo waxa sameeya dhaqankeeda.

Dhagaysi wanaagsan

Sep 24, 202231:59
Ep:29; Dareen-Habaabin |Emotional Manipulation

Ep:29; Dareen-Habaabin |Emotional Manipulation

Weli dareenkaaga mala habaabiyay? Maxay ayaad dareentay? maxaa lagu gartaa qofka dareenka habaabinaya? xilqaddan waxaynu kaga jawaabaynaa su'aalahan iyo kuwo kale.   

Dhagaysi wanaagsan.

Aug 27, 202237:03
Ep:28; Xuduudaha Goobta Shaqada |Setting Boundaries At Work

Ep:28; Xuduudaha Goobta Shaqada |Setting Boundaries At Work

Sideen u samaystaa Xuduudo -Shaqeed ayaynu kaga jawaabaynaa xilqaddan.  

Dhagaysi iyo Dhaqan-gelin wanaagsan.

Aug 19, 202234:04
Ep:27; Xuduudo Dareemeed |Emotional Boundaries

Ep:27; Xuduudo Dareemeed |Emotional Boundaries

Weli ma is waydiisay waxaad mar walba u niyad jabsantahay, uga daallantahay gudaha,u dareensantahay in aan lagu qiimaynayn? malaga yaabaa inaanad xuduudo dareemeed lahayn?  Dhagaysi iyo Dhaqan-gelin wanaagsan 🌸

Aug 07, 202229:03
Ep:26; Xuduudo Samaysi |Setting Boundaries

Ep:26; Xuduudo Samaysi |Setting Boundaries

Waa maxay samaysiga xuduudaha-qofeed? maxaynu se ugu baahannahay ayaynu xilqaddan isku waydiinaynaa.   

Dhagaysi wanaagsan 🌸

Jul 29, 202234:24
Ep:25; Dhalanteedka Dhamaystiranka (Q:2aad)|Perfectionism

Ep:25; Dhalanteedka Dhamaystiranka (Q:2aad)|Perfectionism

Xilqaddan waxaynu kaga hadlaynaa siyayaabaha loo yarayn karo ama looga guulaysan karo Dhalanteedka-Dhammasytiranka.   Dhagaysi iyo Dhaqan gelin wanaagsan 🌸

Jul 22, 202221:42
Ep:24; Dhalanteedka Dhamaystiranka|Perfectionism

Ep:24; Dhalanteedka Dhamaystiranka|Perfectionism

'Waa maxay Dhalanteedka Dhammaystiranku'? Su'aashan ayaynu kaga jawaabaynaa xilqaddan. 


Dhagaysi iyo dhaqan gelin wanaagsan 🌸

Jul 15, 202237:30
Ep:23; Bahdilaad|Bullying

Ep:23; Bahdilaad|Bullying

Xilqaddan waxaynu isla qaadaa-dhigaynaa 'bahdilaadda' , noocyadeeda iyo wajiyada kala duwan ee ay u dhacdo.   


Dhagaysi wanaagsan.

Jul 01, 202238:30
Ep:22; Dareemada Ceebta |Feelings of Shame

Ep:22; Dareemada Ceebta |Feelings of Shame

Xilqaddan waxaynu ku baranaynaa sida loola dhaqmo dareemada ceebta iyo dhaqamada ka dhasha labadaba.   

Dhagaysi iyo dhaqan-gelin wanaagsan.🌸

Jun 24, 202232:52
Ep:21; Baqdinta dad dhexgalka |Social Anxiety

Ep:21; Baqdinta dad dhexgalka |Social Anxiety

Weligaa ma dareentay in baqdin\cabsi ba'ani ku hadhayso marka aad is tiraahdo dadka dhexgal, madal tag ama meel lagaaga yeedho ay dadku ku badanyihiin? xilqaddan waxaad ku fahmaysaa meesha cabsidaasi kasoo unkamayso iyo qaababka aad u dumin karto ee uga xoroobi karto.   Dhagsi iyo dhaqan-gelin wanaagsan.

Jun 17, 202236:31
Ep:20; Urugada Geerida Dabadeed |Grief after Death

Ep:20; Urugada Geerida Dabadeed |Grief after Death

Sidee ayaan u urugoodaa kadib marka qof aan jeclahay i cidleeyo, sideense u kala gartaa dareemada caafimaadka qaba iyo kuwa aan caafimaadka qabin ee ila hadhaya? Su'aalahan ayaan kaga jawaabayaa xilqaddan. dhagaysi iyo dhaqan gelin wanaagsan.

Jun 12, 202245:13
Ep:19; Urugo|Grief

Ep:19; Urugo|Grief

Xilqaddan waxaynu isla qaadaa-dhigaynayaa dareenka 'urugada' saamayntiisa iyo sida loola dhaqmo. Dhagaysi wanaagsan ✨

Jun 03, 202235:25
Ep:18; Ogaal-Neefsasho|Mindful Breathing

Ep:18; Ogaal-Neefsasho|Mindful Breathing

Xilqaddan waxaynu ku baranaynaa waxa loo yaqaanno 'Ogaal-Neefsashada' faa'iidooyinkeeda iyo sida loo sameeyo.   

Dhagaysi iyo dhaqan-gelin wanaagsan 🙌

May 21, 202236:04
Ep:17; Tabnaanshiyaha Jidheed|Body Dysmorphic Disorder (BDD)

Ep:17; Tabnaanshiyaha Jidheed|Body Dysmorphic Disorder (BDD)

Xilqaddan waxaynu ku lafa guraynaa waxaynu u bixinay 'tabnaanshiyaha jidheed' waxa uu yahay,sida uu u abuurmo iyo sida looga bixi karo.   

May 13, 202233:37
Ep:16; Depressionka Dhalmada Dabadeed|Postpartum Depression

Ep:16; Depressionka Dhalmada Dabadeed|Postpartum Depression

Xilqaddan waxaynu isku waydiinaynaa urugada hooyada soo foodsaarta kadib markay ilmaha dhasho, waa maxay calaamadaha lagu gartaa? sideese loola dhaqmaa?

Apr 16, 202237:46
Ep:15; Kalsoonida Nafta|Self-Confidence

Ep:15; Kalsoonida Nafta|Self-Confidence

xilqaddan kalsoonida waxaynu ku qeexnay sidan;  waa karti iyo dareen gudeed oo ruuxu kashiisa ku beero taasi oo ku hagta in uu aamino ama ku tiirsado awoodihiisa qofeed. 

Apr 08, 202232:14
Ep:14; Awoodda Siidaynta|The Power of Letting Go.

Ep:14; Awoodda Siidaynta|The Power of Letting Go.

Xilqaddan waxaynu kaga jawaabaynaa su'aasha ah 'Awood intee le'eg ayaynu u leenahay inaynu siidayno dareemada aynaan jeclayn si aynu qayb uga noqonno kabashadeenna'?.

Apr 01, 202238:34
Ep:13; Dhaawac-Waalid|Parental Wound

Ep:13; Dhaawac-Waalid|Parental Wound

Haddii waalidkaygu yaraantii isoo dhaawaceen sidee ayaan uga kaban karaa dareemada dhaawacaa ka dhasha, isla markaana sidee ayaan tabashadayda ugala hadli karaa hadda?

Mar 25, 202222:44
Ep:12; Naf-la Hadal |Self-Talk

Ep:12; Naf-la Hadal |Self-Talk

Naf-lahadalka aynu ka dhaxalnay xilqaddii 11aad waa sidee inuu noqdo, ayaynu is-waydiinaynaa xilqaddan 12aad. Dhagaysi wacan.

Mar 21, 202232:53
Ep:11; Sidkanaanta |Attachment

Ep:11; Sidkanaanta |Attachment

Psychologist kii waynaa ee reer Ingiriis John Bowlby wuxuu Sidkanaanta ku qeexay; isku xidhnaanshiyaha laxaweed ee raaga isla markaan ka dhaxeeya bani’aadamka. Xilqaddan waxaynu ku lafo guraynaa sida noocyadii kala duwanaa ee la inoo soo koriyay waynaanteenna inoo saamayn karaan.

Mar 11, 202233:00
Ep:10; Tiirsanaanta-Taban |Codependency

Ep:10; Tiirsanaanta-Taban |Codependency

Tiirsanaanta-Taban(Co-dependency) waxay dhacdaa marka qofku dulin-laxaweed (Emotional-Parasite) ku yahay dadyowga xidhiidhku kala dhaxeeyo.

Xilqaddan waxaynu iswaydiinaynaa meesha ay kasoo unkanto tiirsanaanta-tabani, calaamadaha lagu garto iyo sida looga bixi karo.

Mar 04, 202224:45
Ep:9; Fillaanshiyo-la'aan |Not feeling Enough

Ep:9; Fillaanshiyo-la'aan |Not feeling Enough

Fillaanshiyo- la’aantu waa dareen taban oo kasoo unkamay yaraantii marar kalena waxaa la kasbadaa waynaanta oo waxaa kugu abuura deegaanka iyo dadka kugu xeeran ee xayndaabkaaga kujira. Sidee looga tallaabaa dareemada fillaanshiyo la'aanta ayaynu ka sheekaysanaynaa. 

Feb 25, 202229:49
Ep:8; Hungow|Disappointment

Ep:8; Hungow|Disappointment

Hungowgu waa dareen xeeldheer oo qofka hadheeya hammina ku beera kadib markii sawir ama filasho uu si dhow qalbigiisa ugu hayey ay beenowdo ama midho dhali wayday, xilqaddan waxaynu iswaydiinaynaa sidii aynu ula dhaqmi karno dareenkaas.

Feb 18, 202221:05
Ep:7; Maanka-Dhibanaha|Victim Mentality

Ep:7; Maanka-Dhibanaha|Victim Mentality

Lahaanshiyaha Maan-Dhibane waa dabeecad la kasbado/barto oo uu ruuxu u arko in uu dhibane u yahay waxkasta , in qawaaniinta dunidu liddi ku tahay, in uu mudanyahay in laga naxo oo marwalba loo nuglaado. Waxaynu xilqaddan isku waydiinaynaa  calaamadaha lagu garto lahaanshiyaha maanka-dhibane iyo sida looga bixi karo.  

Feb 11, 202217:03
Ep:6; Naf-hagrasho |Self-sabotage

Ep:6; Naf-hagrasho |Self-sabotage

Naf-hagrashadu waa haysashada caqiidooyin ama aaminaado taban(negative) ah oo qofku ka haysto naftiisa , sida inuu aaminsanyahay in aanuu wanaag badan, lacag badan, degenaanshiyo badan qurux badan guulo adduun iyo kuwo aakhiro oo badan midna u qalmin. Waa laga yaabaa inaad iswaydiiso side ayay suurtagal u tahay? Ma qof wanaag neceb ayaa jira ? side qofku isula hadhi karaa?

Feb 10, 202220:03
Ep:5; Aafada Is-canaanashada |Self-blame

Ep:5; Aafada Is-canaanashada |Self-blame

Maxay ayaa maskaxdaada kusoo dhacaa markaad maqasho erayga 'Is-canaanasho'? 

Ma ogtahay in dareenka gudeed ee Is-canaanashadu uu burburin karo kalsoonidaada,waxyeeli karo kasmadaada kaa reebi karo inaad kaalin gasho oo ku dhiirato noqoshada qofka aad rabto inaad noqoto. 

Feb 10, 202217:02
Ep:4;Awoodda la jaanqaadka|Adaptability

Ep:4;Awoodda la jaanqaadka|Adaptability

La jaanqaadku waa lahaanshiyaha awood la qabsi uu ruuxu kula qabsado xaalad cusub oo soo korodhay, maaha shuruud ama khasab in uu raalli ka yahay ama ku negiyahay xaaladda markaa taagan. 

Jan 31, 202217:48
Ep:3;Aq-balaad|Acceptance

Ep:3;Aq-balaad|Acceptance

‘Aq-balaadda’ ama afka qalaad waxa la yidhaahdo ‘Acceptance’  waxa kasoo horjeeda ‘iska caabbin’  ama ‘resistance’ , aqbalaaddu waa inaad arrimaha ku eegtid isha xaqiiqada, qirtid jiritaankooda iyo jirridooda oo aanad kala hortagin iska caabbin iyo dafiraad midna.

Jan 16, 202223:42
Ep:2; Ahaanshiyo|Being Present

Ep:2; Ahaanshiyo|Being Present

Ahaanshiyo:Waa doorashada uu qofku doorto in uu dareenkiisa,diiraddiisa iyo ogaalkiisa oo dhammaystiran u soo jeediyo daqiiqadda ama ilbidhiqsiga uu imika iyo hadda joogo ee kujiro. 

Jan 16, 202217:48
Ep:1; Ogaal-Nafeed| Self-Awareness

Ep:1; Ogaal-Nafeed| Self-Awareness

Ogaal nafeedku waa lahaanshiyaha awood uu ruuxu naftiisa hoos ugu warhayn karo, ugu waraysan karo, wax isu waydiin karo isuguna warcelin karo, qeexi karo dareemihiisu Meesha ay kasoo burqanayaan,baahiyihiisu inta ay sii ridanyihiin iyo salka ay ku fadhiyaan inta uu le'gyahay.


Jan 16, 202211:03
Hordhac;Trailer

Hordhac;Trailer

Waa maxay ujeedka aan u soo tebinayo taxanaha kabasho?

Jan 15, 202200:52